HAY’ADA MRF OO KA QAYB GASHAY DAAHFURKA OLOLAHA 16 MAALMOOD EE KA HORTAGA TACADIYDA KA DHANKA AH JINSIGA

Garoowe: 25 November 2024 : Hay,adda Manaal Rleief Foundaiton (MRF) ayaa ka qayb shay kulanka daahfurka ololaha 16-ka maalmood ee ka hortga tacadiya ka dhan k ah jinsiga kulankaas oo uu daahfuray Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor laguna qabtay Hotel Martisoor Garowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska iyo Hay’addaha kala shaqeeynaya wacyigelinta ku saabsan sidii looga hortegi laha tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, isaga oo xusay in Haweenku kaalin muhiim ah kaga jiraan Bulshada, Dowladduna ay kala shaqeynayso cidkastoo ku shaqo leh, sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada dumarku la kulmaan.

Ololaha 16-ka maalmood socon doona oo maanta ka bilowmay deegaanada Puntland, waxaa Bulshada qeybaheeda kala duwan looga wacygelinayaa sidii meel looga soo wadajeesan lahaa tacaddiyada dumarku la kulmaan, maalmahan waxaa ku jira kuwo mid walbo u asteeysantahay arrin gaar ah sida, dilka, kufsiga , gudniinka waxyeelada geysta iyo wixii la mid ah.

shirka waxaa isku soo dubariday soona diyaarisay Wasaaradda Haweenka ee Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Goleyaasha Dowladda Puntland, Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Haweenka iyo xuquuqul aadanaha, oo MRF ka mid tahay iyo Ururada Haweenka Puntland iyo marti sharafkale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *