Hay’ada Manaal Relief Foundation (MRF) oo ka qaybgashay Tababar loo qaybtay hay’adaha la shaqeeya GIZ

Garowe: 23-Nov-2024 Saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda Manaal Relief Foundation (MRF ayaa ka qayb galay tababar aqoon kororsi ah oo ay qabatay hay’ada GIZ tababarkaas oo lagu qabtay caasumadda Dowladda Puntland ee Garowe gaar ahaan Hotel Martisoor .ujeedka tababarka ayaa ahaa in kor loo qaado aqoonta Ururada wadaniga ah ee la shaqeeya hay,adaha caalamiga ah ee GIZ iyo Wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska DPL kuwaas oo kala shaqeeye mashruuca wacyigalinta tacadiyada haweenka .

mudadii tababarku socday oo ahayd sadex casho waxaa saraakhiisha ururada ka socday iyo macalimiinta tababrka bixinayey is dhaafsadeen macluumaad iyo aqoon kororsi tayadeedu sarayso oo ku saabsan sida loo diyaariyo loona hormariyo qoridda proposals ka mashaaricda gaar ahaan kuwa la xiriira mashruuca ka hortaga gudniinka gabdhaha.

tababarka waxaa soo xiray Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarint haweenka Dowladda Puntland Dr Mayran Axmed Cali oo ay weheliyaan Agaasimaha waaxda ka hortaga tacdiyada Wasaaradda haweenka iyo Madaxa mashruuca Coin fun ee Puntland.

ugu danbayn Wasiiradda ayaa Hay’adda GIZ uga mahad celisay taageerada ay la garab taagan tahay Wasaarada Haweenka. Sidoo kale, waxay si weyn ula dar-daarantay Ururrada shaqadaan sida tooska ah u qaban doona, iyadoo xustay in lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda ay qaadeen, ayna jiri doonto qiimeyn joogta ah oo lagu samayn doono shaqooyinkooda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *